Australia Gudaheeda

Australia way xoojisay awoodaha illaalada xaduudkeeda. Qof walba oo isku dayo inuu si sharci daro ah ugu safra Awstareeliya doon waa la ogaanayaa, waa a qabanayaa, dib ayaana loo celinayaa.

Xaduudaha Awstareeliya waxay ka xiran yihiin socdaalka sharci darada ah ee badda

Awstareeliya waxay leedahay xeerar adag oo lagula dagaalamo tahriibinta dadka, ka hortaga socdaalka sharci darada ee ku socda Awstareeliya, oo ka celiya dadka isku daya safaro aan badbaado aheyn ee dadka doomaha tahriibka.

Waa siyaasada Awstareeliya in dib loo celiyo dadka doomaha tahriibka markay amaan tahay in sidaas la sameeyo.

Ma jiro qof ugu soo safra Awstareeliya si sharci daro oo doon ku yimaada oo loo ogolyahay inuu ku negaado Awstareeliya.

Nasiib daro, dad ayaa weli lacagtooda iska khasaarinaya oo halis ayay gelinayaan noloshooda iyaga oo isku dayaya inay ku yimaadaan Awstareeliya wado qaldan.

Illaalinta xaduudaha Awstareeliya iyo ka hortaga tahriibinta dadka ma ahan kaliya shaqada Dowlada Awstareeliya; qof walba door ayuu ku leeyahay.

Waxaad ku caawin kartaa u sheegida dadka bulshadaada, ama saaxibada iyo qoyska dibada ku nool, wixii ku saabsan xeerarka adag ee illaalada xaduuda Awstareeliya.

  • Ku dhiirigeli dadku inay ku imaadaan Awstareeliya wadada saxda ah; oo ay la jirto fiisada Awstareeliya.
  • U sharax in isku dayga loogu imaanayo doon si sharci daro ah Awstareeliya aad ayay halis u tahay oo ay tahay khasaaraha lacag iyo waqti.
  • Ku soo wargeli howlaha tahriibka dadka Illaalada Xaduuda ee 1800 009 623. Wargelinada waxaa lagu bixin karaa si qarsoodi ah.

Siyaasadaha xoogan ee xafidaada xuduudaha Australia isbedeli maayaan

Intaan talada hayo, cid kasta oo ku timaada doonta tahriibinta oo ku soo dhowaata Australia waa la joojinayaa gadaal ayaana loo celinayaa.

Tani isbedeli mayso.

Kuwa dadka tahriibiyaa soo dhaafi mayaan ciidamadeena.

Ma dhacayso intaan joogo.

Wax aan jirin naftaada khatar ha u gelin – xuduudaha Australia waa adag yihiin

Waxaan ahay Taliyaha Hawlgalada Xuduudahayaga Qaranimada - hawlaha ay ciidamadu hogaaminayaan ee la dagaalanka kuwa dadka tahriibiya iyo doonyaha sida sharci darada ah ugu soo safraya Australia.

Dadkayaga ka-hortega awoodaha tahriibinta iyo difaacu waa xoogan yihiin, sidaas ayayna ahaanayaan.

Ha aaminin kuwa dadka tahriibiya.

Waa dembiilayaal u soo baxay inay ku khaaimaan.

Khatar ha ku gelin noloshaada wax aan jirin.

Ha aaminin kuwa dadka tahriibiya – gadaal ayaa laguu celinayaa

Hawlaha ay hogaaminayaan ciidamada Australia oo lagula dagaalamayo kuwa dadka tahriibiya waa sii soconayaan mustaqbilka inta aan talada hayo.

Intaan xukunka hayo haddii aad isku daydo inaad safar sharci daro ah doon ugu soo safarto Australia waa lagu qabanayaa gadaal ayaana laguu celinayaa.

Waxaa ku khaaimaya kuwa dadka tahriibiya.

Naftaada ama nafta qoyskaaga ha u gacan gelin dembiilayaashaas.