Australia Dibaddeeda

Australia way xoojisay awoodaha illaalada xaduudkeeda. Qof walba oo isku daya inuu si sharci daro ah ugu safro Awstareeliya doon waa la helayaa, la joojinayaa, dibna loo celinayaa.

Xaduudaha Awstareeliya waxay ka xiran yihiin socdaalka sharci darada badda

Qof walba oo isku daya inuu ku yimaado Awstareeliya safar doon aan sharciyeysneyn dib ayaa loogu celinayaa halkii ay ka yimaadeen, wadankooda asalka ahaa ama waxaa loo gudbinayaa wadan kale.

Ma jiro qof si sharci daro ah ugu soo safraa doon Awstareeliya oo loo ogolaanayo inuu ku negaado ama joogo Awstareeliya.

Shuruucda adag ee illaalada xaduuda Awstareeliya waxaa loo qaabeeyey inay illaaliso xaduudaha Awstareeliya, la dagaalanto dadka tahriibka oo ka celiso dadka isku deyaya safarka doonta ee halista ah ee badda furan oo dhan.

Ha aaminin beenta kuwa dadka tahriibaya

Dadka tahriibayaasha waxay isticmaalaan balanqaad been ah oo dajinta Awstareeliya si ay ugu qalqaaliyaan dadka inay lacagtooda soo wareejiyaan. Ha aaminin beentooda. Runta ayaa ah in aan jirin qof lacag u siiyay dad tabriibayaal ah safarka doon sharci daro ah ee ku socoto Awstareeliya uu helayo wuxuu bixiyey.

Dadka tahriibayaasha shaqo kuma lahan badbaadadaada ama mustaqbalkaaga. Waxaa kaliya oo ay xiiseynayaan lacagtaada.

Si nabad ah oo sharci ah u safar

Waxaa jiro kaliya hal wado oo lagu helo gelitaanka Awstareeliya; oo ay la jirto fiisada Awstareeliyaanka.

Si aad wax badan uga ogaatid xalalkaaga safar badbaado oo sharci ah ee ku socda Awstareeliya, booqo Websaydka Waaxda Arimaha Socdaalka.

Xuduudaha Australia waa ka xirnaan doonaan socdaalka sharci darada ah

Waxaan ahay Sarreeya Guuto Craig Furini. Taliyaha cusub ee Hawlgalada Ilaalinta Xuduudaha Australia, Waxaan u hayaa farriin sahlan qof kasta oo damacsan in uu si sharci daro ah doon ugu safro Australia. Hogaamintayda, xuduudaha Australia waxay ahaanayaan kuwa ka xiran socdaalka sharci darada ah. Haddii aad isku daydo safar sharci daro ah oo doomeed oo aad Australia ku gasho, waa lagu joojin doona waxaana laguu celin doonaa wadankaad ka timid ama wadankaagii. Australia waa ka go’an tahay ilaalinta xuduudadeeda iyo ka hortegida ku dhimashada badda. Taasi is bedeli mayso. Xuduudaha Australia waa lala socdaa, laguu wareegaa lana ilaaliyaa maalin walba oo sanadka ka tirsan Ciidamadeena ilaalinta xuduuduhuna waa ka xoogan yihiin sidii hore.

Australia xuduudadeeda waa la adkeeyey

Australia xuduudadeeda waa la adkeeyey

Shantii sano ilaa Dawlada Australia ay asaastay Hawlgalada Xornimada Xuduudaha, waxaanu ku guulaysanay joojinta doonyaha waxaanuna joojinay khatarta dad tahriibinta Australia.

Dawlada Australia ma aanay ka hortegin keliya 33 doonyood, ku celinta 827 qof meeshay ka yimaadeen laakiin waxay wada shaqayn la sameeyeen dhigooda mandiqada si loo carqaladeeyo in ka badan 70 safar oo khatara oo dad-tahriibin ah inta aanay soo bixin.

Dad ku tahriibinta badu waa socotaa si ay u keento khatar muddo qaadanaysa ee amaanka iyo amniga xuduudaha Australia.

Imaanshihii dhowaa ee doonta dad tahriibinta oo ka timid Fiyatnaam ayaa ah xasuusin waqtigeeda joogta in cabsidu aanay dhamaan.

Dadkaas ayaa isla markiiba la hellay, la xiray lana dhoofiyey. Qofna ma degin Australia.

Markii doontaani guuldaraysatay, kuwa dadka tahriibiyaa waxay u isticmaalayaan imaanshaheeda hab suuqgeyn ah si loo qanciyo kuwa u nugul inay doonta fuulaan.

Ha dhegaysanin dambiilayaasha dadka tahriibiya.

Australia waxaa ka go’an hawlgelinta agabka badeed iyo socodka hawada si looga hortago khatartaan.

Haddii aad isku deyeyso inaad timaado Australia si sharci daro ah, waa lagu joojin doonaa.

Nadaamka ilaalinta xuduudayadu isma bedelin, mana isbedeli doonaan.

Cidna heshiis kula geli mayno madaxbanaanida iyo amaanka qarankayaga.

Habka ku maaraynta kaysaska qaybaha waa sii soconaysaa ma jiri doono qof la geeyey goobta maaraynta oo la dejin doono Australia.

Dib u xoojinta Hawlgalada Xornimada Xuduudaha (Operation Sovereign Borders) waxay u dirayaan fariin adag kuwa dadka tahriibiya Iyo kuwa isticmaala adeegooda: ka go’naanta Xukuumada Australia inay ilaaliso xuduudaheena, La dagaalanka kuwa dadka tahriibiya iyo ka hortagga dhimashada badda lagu dhimanayo waa ka sii xoogaysanaysaa sidii hore.