Loading

​​​

Xuduudaha Australia waa la ilaaliya maalinta oo dhan, maalin walba


Qof kasta oo isku daya raacista safar doomeed oo aan la sharciyayn oo ku socota Australia gadaal ayaa loogu celinayaa meeshay ka yimaadeen, waxaa lagu celianyaa gurigoodii, ama waxaa loo xawilayaa wadan saddexaad si loo meelmariyo.

Laga soo bilaabo 2013, Australia waxay qabatay doon walba oo isku deyeysa inay sharci daro ku soo gasho. Doon walba si dhow ayaa loola socdey. Waxaa jirta fursad eber ah socdaalka sharci darada ah ee Australia.

Warbixinta kuwa dadka tahriibiya


Kuwa dadka tahriibiyaa waxay isticmaalaan balanqaadyo beena oo degitaanka Australia si loo qanciyo dadku inay bixiyaan lacagtii ay sida adag ku beekhaamiyeen. Ha rumayn beentooda.

Ma jiro qof lacag ku bixiyey kuwa dadka tahriibiya inay safar sharci daro ah oo Australia ay ku hellayaan waxay lacagta u bixiyeen. Kuwa dadka tahriibiya ma uu khuseeyo amaankaagu ama mustaqbilkaagu. Keliya waxay danaynayaan lacagtaada.

Jooji dadka dembiilayaasha ah oo ka ganacsada tahriibinta adiga oo u soo sheegaya kuwa ilaaliya Xuduuda.

Websaytka Ilaalinta Xuduuda

U safar si amaan ah oo sharci ah


Australia waxay leedahay barnaamijyo aadamnimo oo socdaal, waxay leeyihiin taariikh dheer oo soo dhowaynta qaxootiga.

Si aad uga ogaato wax badan xalalkaaga sharci iyo amaan ah oo loogu safro Australia, booqo websaytka Home Affairs Socdaalka iyo Dhalashada (Immigration and Citizenship).

Sida keliya ee sharciga ah oo Australia lagu tago waa adigoo dalbada fiiso sharci ah oo Australia. Kuwa dadka tahriibiya ayaa kuu sheegi doona si kale - ha aqbalin beentooda.

Websaytka Immigrtation-ka