Xukuumada Australia waxaa ka go'an ilaalinta xuduudaha Australia, la dagaalanka kuwa doonaya inay dad u soo tahriibiyaan mandiqadayada, muhiimaduna waa, ka celinta dadka doonaya inay khatar ku geliyaan naftooda bada.
Hawlaha Xaq-u-yeelashada Xuduudaha waa hawlo amaan oo xuduuda oo ay hogaamiyaan Ciidamada militarigu, lana asaasay 2013 si loo fuliyo ballanqaadkaas.
Waxaa jira hal dariiqo oo lagu geli karo Australia - Fiisa sharci ah oo Australia.
Si aad u ogaato wixii ku saabsan xalalkaaga amaanka iyo sharci ugu dhoofida Australia, booqo websaytka Socdaalka iyo Dhalashada (Immigration and Citizenship).